Mareykan: Soomaaliya ha ogolaato baasaboorka Taiwan
Started 1 week ago by Oday Somaliyeed in Wararka Maanta
Labo xildhibaan oo Mareykan ah — Tom Tiffany iyo Andy Ogles — ayaa Khamiistii warqad u diray safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Dahir Hassan Abd...
Body
Labo xildhibaan oo Mareykan ah â Tom Tiffany iyo Andy Ogles â ayaa Khamiistii warqad u diray safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Dahir Hassan Abdi, iyaga oo ku booriyay dowladda Soomaaliya in ay dib uga laabato go'aankeeda ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.
Xildhibaanadan ayaa sheegay in go'aankaasi uu yimid kaddib cadaadis kaga yimid dowladda Shiinaha, ayna ka walaacsan yihiin in Soomaaliya ay qaadatay mowqif si toos ah uga soo horjeeda Taiwan.
Bal fikirkiina ka dhiibta, ayadoo anshaxa la ilaalinayo.
10 Replies
-
Replied 1 week ago
Diblomaasiyadda Soomaaliya ha ahaato mid cad. Madax-bannaanideenna lama iibin karo. Waxaan la safanahay goâaanka dowladda.
A visionary Somali businessman with a strong passion for innovation, honesty, and progress. He is dedicated to empowering the community through entrepreneurship, creativity, and meaningful platforms that serve and uplift people. His work reflects a deep commitment to growth and collaboration.
Replied 1 week ago
Miyay Mareykanka naga doonayaan inaan xiriir ka jarno Shiinaha oo naga taageera ciidamada iyo mashaariicda, si aan ugu raaligelino Taiwan? Haa, maya!
A visionary Somali businessman with a strong passion for innovation, honesty, and progress. He is dedicated to empowering the community through entrepreneurship, creativity, and meaningful platforms that serve and uplift people. His work reflects a deep commitment to growth and collaboration.
Replied 1 week ago
Xildhibaannada Mareykanka miyaanay ogayn in Taiwan aysan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay? Soomaaliya xaq bay u leedahay inay taas ku saleyso goâaankeeda.
Replied 1 week ago
Goâaanka Soomaaliya waa mid dan u ah xiriirka ay la leedahay Shiinaha, cidna ku khasbi meyso inay Taiwan aqoonsato.
Replied 1 week ago
Waxay ila tahay in Xildhibaannada Mareykanka ay marka hore eegaan xiriirkooda ay la leeyihiin Taiwan. Ma aha in ay faragelin ku sameeyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Taasi waa ceeb.
Â
Replied 1 week ago
War waa idin salaamay asxaabta Bulshotalk. Goâaanka Soomaaliya waa mid sax ah. Soomaaliya waxay taageertaa mabdaâa âHal dal oo Shiino ahâ sida ay siyaasadda arimaha dibadda Soomaaliya u degsan. Taasi waa istiraatiijiyad muhiim ah.
@Oday Somaliyeed salaan qaali ah. Soomaaliya waa dal madax bannaan, cidna kuma qasbi karto cida ay xiriir la yeelaneyso. Ma ahan shaqada Mareykanka inuu noo sheego yaa baasaboorkooda sax yahay. Sheekooy ku nacay.